Haweeney uur leheed ayaa sheegtay inay isbitaalka tagtay iyadoo dhammaan xubnaha jirkeedu ay caafimaad qabaan, balse markii lagu sameeyay qalliinka dhalmada oo ah qalliin caloosha looga sameyay, ay ogaatay in mid ka mid ah kelyaheeda laga saaray.

Barira AlXassan, oo ah haweeney da’da dhexe ah kana soo jeedda gobolka Gombe ee waqooyi-bari dalka Nigeria, ayaa ku eedeysay dhakhaatiirta Gombe State Specialist Hospital inay ka saareen mid ka mid ah kelyaheeda intii lagu jiray qalliinka dhalmada.

Hase yeeshee, maamulka isbitaalka ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in eedeymahaasi ay yihiin “kuwo gebi ahaanba been ah, aan sal lahayn, isla markaana aan lagu taageerin wax caddeyn ah, diiwaanno isbitaal ama diiwaanno bukaan.”

Qaraabada Barira ayaa sheegay in baaritaannadii caafimaad ee la sameeyay ka hor qalliinka ay muujiyeen inay lahayd laba kelyood oo caafimaad qaba. Waxay intaas ku dareen in qalliinka ka dib ay aad u xanuunsatay, baaritaanno dambe oo lagu sameeyayna ay muujiyeen inay hadda leedahay hal keliya.

Wareysi ay siisay BBC, Barira AlXassan waxay sheegtay in qalliinka lagu sameeyay 8-dii Abriil 2026, isla markaana maalmo yar ka dib ay bilowday inay dareento xanuun daran.

Waxay tiri:

“Maalmo yar ka dib qalliinka, waxaan bilaabay inaan aad u xanuunsado. Waan matagayay, calooshaydu aad bay ii xanuunaysay, jirkaygu wuu bararay, mar kasta oo aan kaadinayana xanuun ayaan dareemayay.”

Waxay sii raacisay:

Markaas ayaan bilaabay inaan weydiiyo haweenkii kale ee lagu sameeyay qalliinka dhalmada, inay iyaguna sidaas oo kale dareemeen qalliinka ka dib, sababtoo ah tani waxay ahayd markii iigu horreysay ee qalliin la igu sameeyo, inkastoo aan hore u dhalay toban carruur ah.”

Barira ayaa sheegtay in dhakhtarkii ugu horreeyay ee baaray uu u sheegay inay hadda leedahay hal keli ah, arrintaas oo si weyn uga nixisay.

“Waan argagaxay markii dhakhtarku ii sheegay inaan leeyahay hal keliya. Wuxuu xitaa i weydiiyay inaan iibiyay kelyaha.”

“Waxaan ku iri maya. Markaas ayuu bilaabay inuu i dejiyo, isagoo ii sheegay in qofku hal keliya oo kaliya ku noolaan karo sida dadka kale. Dabadeedna daawo ayuu i siiyay,” ayay tiri Barira.

Waxay intaas ku dartay in markii iyada iyo walaalaheed ay ku adkaysteen in loo sheego waxa dhacay, ay dareemeen in maamulka isbitaalku isku dayayeen inay ka dhaadhiciyaan inaan arrinta la shaacin.

“Markii aan ku adkaysanay in naloo sheego waxa dhacay, waxaan dareennay in isbitaalku isku dayayo inuu nagu qanciyo inaan arrintan bannaanka loo soo saarin,” ayay tiri Barira.

Markii ay heleen xogtan, qoyska Barira waxay dacwad u gudbiyeen maamulka Isbitaalka Takhasuska ee Gombe, iyagoo codsaday in la siiyo diiwaannadii caafimaad ee Barira, hase yeeshee waxaa loo sheegay in diiwaannadaas aan la heli karin.

Walaalkeed, Zakari AlXassan, ayaa u sheegay BBC in ay dacwadda gudbiyeen sababtoo ah sawir caafimaad (scan) oo Barira laga qaaday sannadkii 2015 uu muujinayay inay lahayd laba kelyood oo caafimaad qaba.

Bbc somali