Haweenay Soomaali ah oo loo magacaabay mid ka mida xilalka u sarreeya ee Dalka Itoobiya

 Baarlamaanka dalka Itoobiya oo maanta fadhigoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa xilal kala duwan ansixiyay, halka hal xubin ahna laga qaaday xubinnimadii baarlamaaniga ee dalka.
Lelisa Deslayn oo ah gabadh kasoo jeeda degaanka Oromiya ayuu Baarlamaanka Itoobiya u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Federalka Itoobiya, halka Sahra Cumar Cali oo iyaduna kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay inay noqoto Ku xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Federalka Itoobiya.Sahra Cumar Cali oo ah gabadh Soomaali ah ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabatay dowlad degaanka Soomaalida, gaar ahaan waxay muddo dheer kasoo shaqaynaysay qaybaha kala duwan ee Maxkamadda sare ee dowlad degaanka Soomaalida.

Xubnaha Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambaysay waxay kusoo badanayeen xilalka sare ee xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed, inkastoo marka loo eego tirada Soomaalidu ay ku lahaan lahayd federalka Itoobiya ay yar tahay, haddana intii uu Abiyi Axmed xilka qabtay waa markii u horreysay ay Soomaalidu tiradii u badnayd ka hesho Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa kamid ah degaannada ugu waaweyn ee dalka Itoobiya, iyadoo ay sidaa tahay haddana xildhibaannada heer federal ku matala degaanka Soomaalida ama xubnaha kasoo jeeda degaanka Soomaalida ee loo magacaabo xilalka heer federal waa kuwo markasta ka yar tiradii ay Soomaalidu ku lahaan lahayd Federalka Itoobiya