Booliiska Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay dalban doonaan amar lagu soo xirayo haweeney dab qabadsiisay dhisme ay degganaayeen xilli ay isku dayaysay in ay disho baranbaro, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Mid ka mid ah dadka deriska la ah haweeneyda ayaa dhintay ka dib markii uu dhulka ku dhacay kadib isku day uu ku doonayay in uu daaqadda kaga baxsado.

Haweeneydan oo da’deeda lagu qiyaasay 20-sano ayaa booliiska u sheegtay in ay isku dayday in ay baranbarada holac ku buufiso si ay u disho, waxa ayna intaa ku dartay in ay horey u isticmaashay habkan.

Laakiin Isniintii, alaab gurigeeda taallay ayuu dab qabsaday. Booliska magaalada Osan ee waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in haweeneyda lagu soo oogi karo dambiga ah in ay si lama filaan ah dab u kicisay ayna sababtay geeri.

Bbcsomali