Hawlwadeenno Caafimaad oo ka socda Saddex Gobol oo Tababar loogu Qabtay Burco
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO Ayaa maanta magaalada burco ka furtay tababar ku saabsan maaraynta Bukaanka aadka u culus.
tababarkan oo ay qaadanayeen dhakhaatiir iyo hawlwadeeno Caafimaad oo ka kala imid goboladda Saraar, Sool iyo Togdheer ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qaybgalay, Isuduwada Caafimaadka gobolka Togdheer, Masuuliyiin ka kala socotay Xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO.
Tababarkan ayaa wax si rasmi ah u furay isuduwaha Caafimaadka ee gobolka togdheer Dr Maxamed Cabdi Axmed Isagoo kula dardaarmay dhamaan Shaqaalaha Qaadanaya Tababarkan inay ka faa’idaystaan mudada uu soconayo tababarkani, sidoo kalena aqoonta ay barteen dib ugu celiyaan oo ay la wadaagaan Shaqaalihii aan tababarkan Nasiibka u helin.