Hay’ad ka Shaqeysa Xuquuqda Aadanaha oo Geneva uga Timid Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Hargeysa(Qaran)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Haayada GICHD (Geneva international center for humanitarian Demining),waftigan ayaa ka yimi Magalada Geneva ee Dalka Switzerland,
Weftiga hay’adda ka socday waxa ka mid ah Mr. Sarah Njeri Iyo Mr Ajoy Dattu

Shirkan ayaa waxa lagaga wada hadlay khatarta ay u leeyihiin bulshada iyo degaanka walxaha qarxa sidoo kale waxa laysla gartay in la kordhiyo wacyigalinta bulshada iyo in la sameeyo Daraasad lagu ogaanayo khatarta ay leeyihiin walxaha qarxa

Hay’adda ayaa waxa ay la kulmi doontaa Wasaaradaha Degaanka iyo Qorshaynta,
Sidoo kale Waxay soo mari doonaan Gobolada dalka.