Hay’adda Dhawrista Tayada oo Go’aan ka soo Saartay Sonkor Oomaar soo Dejiyay oo bulshadu ka Shakiday
๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐(Qaran news)- Hayโadda dhawrista tayadda qaranku waxa ay bulshada uga masuul tahay ilaalinta badqabka iyo caafimaadka bulshada Somaliland .
Hayโadda dhawrista tayadda waxa dhawaan soo gaadhay sonkor ay bulshada ka cabatay taas oo bulshada tuhun ka galay sida ay dalka ku soo gadhay.
Sidaa dardeed waxa aanu bulshada la wadagaynaa xogta sonkortas iyo tayadeeda
โข Hayโadda dhawrista tayadu waxa ay bulshada u cadaynaysa in ay sonkortu ku timid 50-kg, taaso soo martay dekedda Berbera, isla mrakana lagu sameyay baadhis.
โข Xadiga sonkorta shirkadu lasoo degtay waxa uu dhamaa 293 Koontiinet oo ka kooban 158,220 kiish oo 50-kg ah, taarikhda ay sonkortu dalka soo gaashay waa 7/10/2023 Taarikhda ay so baxdayna waa june/2023 iyo july 2023, halka taarikhda ay dhacaysayna ay tahay June/2026.
Hayโadda dhawrista tayaddu iyadoo tix galinaysa cabashadii bulshada waxa ay qaaday talaabooyin kale duwan si waafaqsan xeerka hayโadda dhawrista tayadda.
1. Waxa anu baaadhis (vissual inspection) ku samaynay dhamanaan bakharada ay leedahay shirkadu ee ku yaal Hargeysa iyo Berbera.
2. Waxa aanu ka qaadnay sonkor muunad ah (sample) si loogu soo baadho shaybaadhka hubinta tayada ee Hayโadda dhawrista tayada.
๐ก๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ท๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ธ๐ฎ ๐๐ด๐ฎ ๐๐ผ ๐ฏ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐ต๐ฎ๐๐น๐ด๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ:
Hawlgalkan oo muddo qaatay waxa Hayโadda Dhawrista Tayadda uga soo baxay qodobadan hoos ku xusan.
โข Sida ku cad natiijada shaybaadhka qaranka ee hubinta tayadda waxa hayโadda u cadaatay in aanay sonkortani wax dhiba aanay lahayn.
โข In shirkada Ominco Group ay dib u bacayn ku samaysay sonkortii 50kg ahayd taaso ay ka dhigtay 25kg iyago tixgalinaya awooda bulshada ee ah in aanay bulshadu iibsan karin kiishka 50kg ah.
โข Shirkadu waxa ay xaq u ledahay in ay 2% badeecadd kasta oo ay laso degayso ay soo raacsato baco madhan ( empty bags) taso ah hadi ay jeexanto, dilacdo in ay ku badashaan kiishashkaas madhan .
โข In taariikhada kiishka sonkorta 25kg ah dib loogu cabeeyey ay khaldan tahay oo ay tahay 1/10/2023 halkii ay ka ahaan lahayd july/2023/ june 2023.
โข ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ-๐ด๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ.
Hayโadda dhawrista tayaddu waxa ay bulshada somaliand u cadanaysaa in sonkorta macluumaadkeedu kor ku xusan yahay ay tahay sonkor aan wax cilada aan lahayn oo ay bulshadu isticmaali karto.