Beri aan Madaxtooyada tagay bal si aan indhahayga ugu soo arko heshiiskii ay Madaxweyne Cabdiraxman iyo Raysalwasare Netanyahu dhawaan ku kala sexeexden Tel Aviv.
Markaan akhriyay heshiiska waxa ii soo baxday in uu 70% dan yahay dalka iyo dadka Reer Somaliland 30% uu dan u yahay nimanka Reer Binu Israel.

Berigii ay Xumada kursigu na haysay ayaa habeen anagoo rag badan oo Garxajis ah ayaanu ku wada hadalay Conference phone dabadeed nin ka mida ragii khadka ku jiray ayaa yidhi “Habar Jeclo way Ina khiyaamaynayaan ee yaynaan aaminin”.!!!!
Ninkan la yidhaahdo Ina Cadagude ayaa ninkii u jawaabay oo ku yidhi “Oo maxaynu haynaa ee ay Habar Jeclo inaga khiyaamaynayaan ilayn cidii wax haysa ayaa la khiyaameeyaye“ Habeenka jawaabta waan la dhacay mana ilaawo.

Imika maxaynu haynaa ee ay Israel inaga khiyaamaynaysaa, haldoorkeeni iyo dadkeenii ayaa Dhakhtar la’aan Jigjiga loola cararaya.

Waar Madaxwayne Cabdiraxman Cirrow meeshii ay ku jirtaba ka soo daar

By Musharax Cismaan Cumar Dool