Waxaan ku jirnaa tooddobaadkii hilbka waradka iyada oo arbacadii ay ahayd maalinta kowaad ee ciidul-adxa inkastoo meelaha qaar khamiista laga tukaday salaadda ciida.
Qoysas badan ayaa xoolo qalanaya halka kuwa kale ay sugayaan in uu kasoo gaaro deriskooda, qaraabadooda ama saaxiibadood. Blasé toddobaadkan qoys waliba waxaa u yaal qorshe ah in si wada jir ah ay ugu damaashadaan munaasabadda ciidda isla markaana ay cunaan cuntooyin u badan hilib ariga.
Dadka Soomaalida oo caan ku ah cuntada loo yaqaan cad iyo caano (hilib iyo caano) waxay ka mid yihiin bulshooyinka hilibka xoolaha aadka u cuna siiba hilbka guduudan ee loo yaqaan jiirka. Haseyeeshee waxaa jira faa’iiddooyin iyo dhibaatooyin caafimaad oo labadaba lala xiriiriyo hilibka guduudan.
Dhaqanka ah in maalinta Ciida la cuno cunnooyin u badan oo hilibka cas ayaa laga isticmaalaa dalalka islaamka oo dhan maadaama la qalo xoolo badan saas darteedna hilb badan la sameeyo maalmaha ciidda , waxaana la ogyahay in hilbkani u fiican yahay maqaarka jirkaanna isaga oo ka dhiga mid qurux badan isla markaana tamar leh.Balse waa maxay sababta keentay in Ururka Caafimaadka Adduunka uu soo jeediyo in la dhimo isticmaalka hilibka cas?
Waa maxay faa’iido darrada ay leedahay cunista hilibka badan iyo faa’iidooyinka aan ka heli karno cunista hilibka cas si dhexdhexaad ah, waxaan la hadalnay Dr. Sarah Farooqui, oo ah nafaqeeye.
Dr. Sara Farooqi ayaa sheegtay in hilibka uu aad muhiim ugu yahay nolosha maadaama uu ka kooban yahay borotiinka ugu badan.
Sida la sheegay:
- Haddii aad isticmaasho 100 garaam oo hilib ah, waxaad helaysaa 26 garaam oo borotiin ah. Haddii aan tan u barbardhigno misirka, 100-ka garaam ee misirka ah ayaa kaliya laga helayaa sagaal garaam oo borotiin ah.
- Hilibka waxaa ku jira ,macdanta biraha, taasoo bixisa zinc.
- Halka ugu badan ee laga helo faytamiinka D12 waa hilibka.
- Cunista hilibka lo’da iyo hilibka ariga waxay u roonaan karaan maqaarkaaga iyo timahaaga.
- Cunista hilibka lo’da iyo hilibka idaha waxay sidoo kale ka hortagi kartaa dhiig-yarida.
- Waxaa kale oo ay wanaajisaa habdhiska dareenka iyo waxqabadka maskaxda.
Haddii aad qabto wadne xanuun, ka feejignaaw
Hilibka faa’iidada uu leeyahay waad garanaysaan, laakin dhibka uu leeyahay haddii aadan si dhexdhexaad ah u cunin waa mid aan la soo koobi karin oo cudurro badan keena.
Daraasad uu hogaaminayo Dr. Frank Ho oo ka tirsan jaamacadda Harvard kulliyaddeeda caafimaad dadweynaha ayaa sheegtay in isticmaalka badan ee hilibka waaweyn ama hilibka cas iyo hilibka la warshadeeyay ay kordhiso khatarta cudurada wadnaha, kansarka, iyo macaanka.
Dhinaca kale, Dr. Sara Farooqui ayaa sheegtay in isticmaalka badan ee hilibka cas uu sidoo kale sababi karo dhibaatooyin caafimaad maadaama uu si dabiici ah ugu jiro kolestaroolka.
“Hadii aad maalin walba cunayso hilibka cas, waxa kale oo uu kordhiyaa heerka kolestaroolka wuxuuna kuu horseedi karaa dhibaatooyin dhiig karka ah iyo wadne xanuun, gaar ahaan qoysaska uu ku badan yahay wadne xanuunka waxa ay u baahan yihiin in ay aad uga taxadaraan oo wax yar.”