Hogaanka dhaqanka ee beelaha Dhulbahante ayaa kulan balaadhan oo ay kaga arinsanayeen colaada ka soo cusboonaatay Ceerigaabo ee dhex martay laba reer oo wada dega xagaasi.

Hogaanka dhaqanka ee SSC- Waxa ay ku dhawaaqeen in arinka u dhaxeeya beelaha Naaleeye Axmed iyo Muuse Ismaaciil lagu dhameeyo wada hadal oo colaadaasi halkaasi lagu soo afjaro.
Dadkaasi oo ah dad walaalo ah oon wiil iyo abtigiis ah.

Baaqani waxa uu taageerayaa baaqii ay dhawaan ay soo saareen hogaanka dhaqanka ee beelaha Garxajis oo iyagu ku dhawaaqay nabad bilaa shuruud ah in arinka labdaas beelood lagu xaliyo.