Muqaalka daawo qoraalkana akhri Muwaadin

Hogaankii dalku uu leexday….. Absolutely

#Siciid_Cilmi_Roble. Maalintu kelmadan lahaa waan garaneyayey dadbadanise mey fahmin. Waxu ka waddey waar hogaamkii dalku wuu leexdey.

Waxu garanayay in kulmiye jidkii Ahmed Siilaanyo ku aasaasey laga duway. Rag la tuhmayeyna la lumeen. Dalkuna halis ku jiro. Hadaan laga badbaadin

Hadaba nin weyni meel uu joogaba waa xogogaal. Waxa maanta u gunta usoo xidhey waa badbaado qaran.

Isaga iyo ragga la socda #Shiine_Abdi_Barkhadle. Waa ragii Ahmed Siilaanyo ee Saaxil xisbiga Kulmiye kala bilaabey. in badan la soo shaqeyey. Markuu kulmiye mucaradka ahaa iyo intii madaxweyne Siilaanyo hogaaminayey dalka .

Sicid waxu shacabka JSL u sheegey maalinta in Xisbigii Kulmiye Party isugu hadheen dhalinyaro la waaley oo ceytameysa iyo rag waaweyn oo dhibaateysan oo aflaago degaameysan ku hadlaya
Sababtana waxa keeney.

Waa Hal qodob.

Waxqabad ey sheegam karaan ma jiro. Dalkana iyo dadkana guud ahaan dhibaato weyn bey soo gaadhsiiyeen.

Waxa karti ku soo hadhey waa Guulwadeyn qaawan waxa 🎤 Micrphone xafladda kulmiye ka baxaya iyo cey.

Waxana sababey hogaankii ey ku dayan lahayeen baa fashilmey. Waxeyna siyaasayadda u yaqanaan cey laga sheego TV

Hadaba doorashadan. Maaha Xisbiyo Tartamaya ama Ciro iyo Muuse tartamaya. Doorashaddani waa shacabka Somaliland iyo haldoorkii Sonaliland oo isku duuban oo ka badbaadinaya fashil danbe oo dalkeena ku yimaadda.

Taasna shacabku iyo dadka haldoorka bulshadeenu waa isla fahmeen. In aan kulmiye soo noqon iyo madaxweyne Muuse Bihi.

Sidaasa umadda nin walba oo wax garanaya guntiga ugu xidhey oo go’a garabka ugu sitaa. In laga midha dhaliyo isbedelka badbaado qaran Musharax Cabdiraxmaan Cirro dalkeena ku hogaamiyo (iradatu Shacab) codka shacabka iyo haldoorka Somaliland ee isbedel badbaado qaran.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari