Dowladda Federaalka ayaa u dirtay magaalada Laascaanood shixnad hub ah oo laga qariyey Hoggaamiye Firdhiye, laguna socodsiiyey xubno kamid ah guddoonka golaha Wakiilada, taas oo ugu dambeyntii gashay gacanta Firdhiye, abuurtayna kala shaki cusub oo ku saabsan ajendaha laga lahaa, tuhuna durba keentay.
Warar ay heshay Gaylan Media ayaa xaqiijinaya in garoonka hubkan looga saaray ogolaanshaha qaar kamid ah madaxda ugu sareysa Hay’addaha amniga, loogana dajiyey Laascaanood, iyadoo loo waday mid kamid ah masuuliyiinta maamulka ay DFS dhistay.
Firdhiye ayaa ka carooday talaabada hubkan uusan ogoleyn loo siiyey qaar kamid ah xubnaha guddoonka golaha, taas oo keentay in Hubkan uu qaato lagana geeyey goob si gaar ah u ilaaliyo.
Dhinaca Firdhiye ayaa ka tirsanayay DFS dhacdo habmaamuus xumo iyo shaki amni darro ka dhashay Axadii ka qabsatay garoonka Muqdisho, markii diyaarada ay la raaceen xubno kasoo jeeda deegaanka Adhicadeeye oo kooxda habmaamuuska ka shakiday.
Xubnaha diyaarada fasaxay ee hubka gashay garoonka ayaa sheegay in ay heleen warqad katimi qaar kamid ah madaxda maamulkan ay dhistay DFS, taas oo doodeedu hadda taagan tahay.





