Human Right Watch oo Warbixin Dhiillo leh ka soo Saartay Mali
Maali(Qaran)-Warbixin ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Human Right Watch ayaa lagu sheegay in dilal baahsan,kufsi iyo dhacba ka dhacay sannadkan deegaanada Waqooyi bari ee dalka Mali.
Waxa warbixintan ay hay’adda Human Right Watch soo saartay sidoo kale lagu sheegay in dad badani ay ka baro kaceen deegaanadaasi,waxaana warbixintan ay hay’addu ku sheegtay in ilaa lix weerar ka dhaceen goboladda Gao iyo Menaka,waxaana weeraradaasi dhaceen bilihii January iyo June ee sannadkan.
Warbixintan ay soo saartay hay’adda Human Right Watch waxa lagu sheegay in boqolaal qof lagu dilay goboladdaas iyo deegaanada hoos yimaada,halka la barakiciyey dad gaadhaaya tobanaan kun oo qof,kuwaas oo lagu khasbay in ay ka qaxaan guryahoodii.
Cilmi baadhe ka tirsan hay’adda Human Right Watch oo warbixintan lagu xusay,laguna magacaabo Sahel Ilaria Allegrozzi ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ee ka dagaalama dalkaasi ay si arxan darro ah u weeraraan dadka rayidka ah ee deegaanada Waqoyi Bari dalka Mali ku nool,iyaga oo u adeegsada qoryaha fudud ee sida daran dooriga ah u dhaca,qoryaha baasuukaha loo yaqaano iyo hub kale.
Kooxahan ayaa warbixinta lagu sheegay in ay adeegsadaan marka ay weerarada qaadayaan mootooyin iyo gawaadhi,iyaga oo meelaha ay weerarayaan si kedis ah u gala.