Iiraan oo soo saartay digniin adag
Af-hayeen u hadlay millatariga Iiraan ayaa sheegay in Maraykanka iyo Israa’iil ay garaacayeen bartilmaameedyo “aan muhiim ahayn,” isagoo isla markaana ka digay weeraro soo socda oo ah kuwo “wax burburiya, ka ballaaran kuwii hore, isla markaana baabi’in hantiyeed geysta.”
Bayaan ay ciidmaadu la wadaageen wakaaladda wararka ee Tasnim oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Iiraan iyo wakaaladda Fars, ayuu af-hayeenku ku sheegay in labada dal ay haystaan xog “aan dhammaystirnayn” oo ku saabsan awoodda millatari iyo qalabka ay leedahay Tehran.
Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in wax soo saarka millatariga Iiraan uu ka dhaco “goobo aadan marnaba aqoon u lahayn” isagoo gaashaanka ku dhuftay sheegashadii Trump ee ahayd in kaydka hubka Iiraan uu aad u yaraaday.
Wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Israa’iil ay “waajib tahay inay bixiyaan khasaaraha gardarradii aad bilowdeen.”





