Iiran oo sheegtay inay gantaallo ku garaacday Qatar iyo Ciraaq

Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in Iran ay billowday jawaabteeda “xooggan oo guul leh” ee ku aaddan weerarada Mareykanka.

Wakaaladda Tasnim ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada kacaanka Iran ay gantaallo ku garaaceen saldhigyada Mareykanka ee Qatar iyo Ciraaq. Dhowrkii daqiiqo ee ugu dambeeyay waxaan aragnay wararka qaraxyo laga maqlay dalka Qatar.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa faahfaahin dheeraad ah marka ay soo baxaan. Lana joog.