Warbaahinta Horn Lens ayaa warbixin cusub oo ay baahisay ku sheegtay in dawladda Hindiya ay si aamusnaan ah ugu diyaar garoobayso maalgashi ballaadhan iyo istaraatiijiyad ganacsi oo ay ka hirgeliso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Dekeddas Berbera, ka dib qalalaasaha sii kordhaya ee marinnada ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan xiisadaha ka dhashay dagaalada ka socda Bariga Dhexe.

Sida ay warbixintu sheegtay, marinnada ganacsiga caalamiga ah ayaa sii nuglaanaya, taas oo ku khasbaysa Hindiya inay raadiso Marinno cusub oo ay ku xoojiso silsiladaheeda sahayda, isla markaana ay ku yareyso ku tiirsanaanta marinnadii hore ee dhaqanka u ahaa ganacsiga. iyada oo xilligan, Dekedda Berbera ay noqotay xarun istaraatiiji ah oo soo jiidanaysa indhaha quwadaha caalamka, iyadoo si tartiib ah u kordhinaysa doorkeeda gobolka.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Jamhuuriyadda Somaliland ay door muhiim ah ku leedahayo isku xidhka ganacsiga Afrika, Bariga Dhexe, Yurub iyo Aasiya, halka hoos u dhac weyni ku yimid miisaanka iyo saamayntii Djibouti ee gobolka, marka loo eego tartanka cusub ee dekedaha gobolka, taas oo muujinaysa in dekedaha Djibouti aanay mar dambe ahaan doonin ikhtiyaarka keliya ee marinnada Badda Cas.

Horn Lens waxay tilmaantay in arrintani aanay ahayn dhacdo kadis ah, balse ay tahay istaraatiijiyad qoto-dheer oo ay Hindiya ku doonayso sugidda dabqabka iyo xasilloonida silsiladaha sahayda, helitaanka marin ganacsi oo ammaan ah, iyo kordhinta saameynteeda juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo guud ahaan gobolka, iyada oo uu sii xoogeysanayo tartanka lagu xakameynayo marinnada ganacsiga Badda Cas.

Ugu dambayn, Horn Lens waxay warbixinteeda ku soo gabagabaysay in Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera, ay u muuqato xudun cusub oo ganacsi oo qaabayn karta jihada mustaqbalka ganacsiga Afrika iyo Aasiya, iyadoo Hindiya ay ka mid tahay dalalka si hoose u qorsheynaya istaraatiijiyaddan, isla markaana diiradda saaraysa albaabka cusub ee ganacsi iyo saameynta istaraatiijiga ah ee Somaliland ka yeelan karto gobolka.

Abmed Saleebaan