
Ingiriiska ayaa Khamiista maanta ah soo saari doona baaq la xidhiidha isla xisaabtanka falalka xadgudubyada ah ee ka dhacaya dalka Suudaan
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee lagu beegsanayo goobaha ay dadku ku nool yihiin, taasoo ay adeegsadeen labada dhinac ee dagaalka sokeeye ee Sudan.
Tani waxay timid kadib weerar Arbacadii horeka dhacay magaalada El Sunut ee gobolka Kordofan, halkaas oo dad rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay.
Isuduwaha arrimaha baniβaadamnimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarradii u dambeeyay ee drones-ka ay beegsadeen kaabayaal rayid, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh isla markaana sii xumeysay xaaladda baniβaadamnimo.
Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, suuq, dugsi hoose iyo xarun kaydinta shidaalka ah ayaa lagu weeraray gobollada Kordofan iyo Darfur.





