Isuduwaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Gobolka Sanaag, oo ay weheliyaan injineerro ka tirsan wasaaradda, ayaa kormeer iyo sahamin macdaneed ku sameeyey deegaanno kala duwan oo
ka tirsan gobolka Sanaag.

Deegaannada ay gaadheen waxa ka mid ah:

Daryale, Daris, Gudmo Biyo-Cas, Koof, Xiis, Maydh iyo Cershiida.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada wasaaraddu ku doonayso in lagu ogaado khayraadka macdaneed ee gobolka iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa’iidaysigiisa.