“Inkankaygu Waalid Caasi Maaha waanan ka xumahay in Aabihii ay u adeegsatay Xukuumaddu xadhigiisa” Cabdiraxmaan Abees Hooyadii
Hargeysa(Qaran news)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Hooyadii ayaa sheegtay in xukuumaddu xadhiga inankeeda u soo martay aabihii. Waxayna shaacisay in aanu ahayn waalid caasi ee uu yahay qof waalidkii u baari ah.
Waxa ay sheegtay in ay ka xun tahay in abwaan Cabdiraxmaan Àbees loo adeegsaday aabihii oo ay tilmaantay inuu inankiisii u jabiyay cadow. Waxaanay sheegtay in aanu waalid caasi Cabdiraxmaan shaqo ku lahayn.
Sidoo kale hooyadani waxa ay Xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay si xaqdarro ah u xidhay inankaas oo ay tilmaantay inay ka dabojoogeen buugii Mayal ee uu dhawaan ku soo babdhigay Hargeysa.