Is-dultaag Kooban: Tacliinta Sare ee Somaliland

Dal kasta meesha u soo saarta dadka horumarkiisa ka shaqeeya & shaqaalaha uu u baahan yahay waa Tacliintiisa sare. Tacliinta sare waa halka ka qayqaadata soosaarista xirfadlayaasha dalku u baahan yahay, hal-abuurka iyo mufakiriinta bulshada, hogaamiyayaasha siyaasadda iyo bulshada, cilmi baadhayaasha xal u helida dhibaatooyinka bulshada iyo horumarkeedaba. Sidoo kale waxay ka qaybqaadataa kobaca dhaqaalaha dalka iyo waxsoosaarka. Sidaas darteed ayay tahay dawlad kastaa in ay muhiimadda koowaad ka dhigato sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada dalkeeda guud ahaan iyo ta sare gaar ahaan.

Somaliland waxaa ku yaalla 30 jaamacadood in ka badan iyo tiro intaas ka badan oo kulliyado ah, kuwaas oo dhammaantood bixiya tacliinta sare iyo aqoonta la xidhiidha, kuwaas oo ku kala baahsan goboladda uu dalku ka koobanyahay. Guud ahaan waxaa dhigta xarumahaas dhalinyaro ka badan 50 kun oo arday oo dhigta qaybaha kala duwan ee cilmiga oo dhammaantood loo baahan yahay in qaybaha ay dhiganayaan iyo takhasusaadkoodaba ay dalka wax ugu qabtaan si la mid ah sida ay u doonayaan in ay nafahooda iyo qoysaskoodaba wax ugu qabtaan. Sidaa daraadeed, taasi waxay ku tusaysaa muhiimadda ay leedahay in culayska la saaro xarumahaasi qaybaha cilmiga ah ee ay dhigayaan lagu saleeyo baahida dalka iyo aqoonta qof & qaranba waxtarka u leh.
Marka laga hadlayo Tacliin sare waxaa markasta ku lammaan Cilmi-baadhis iyo keenista hal-abuur cusub. Haddaynu Cilmi-baadhista soo qaadanno waxay ahayd in jaamacadaheena iyo aqoonyahanka dalka wax usoo bartay ama imika ku jiraa ay sameeyaan Cilmi-baadhisyo wax ka qabanaya dhibaatooyinka kaladuwan ee bulshadeena haysta sida; qabyaaladda, abaaraha, musuqmaasuqa, maamul xumada, jahliga, faqriga, qaadka Iwm. Waxa ay sidoo kale ahayd in ay Cilmi-baadhis ka sameeyaan jaamacadaheenu dhinacyada kala duwan ee horumarka dalku u baahan yahay sida; dhaqaalaha, Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga, Tiknoolajiyadda, Tamarta, Warshadaha, iwm.

Ugu dambayntii, waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan kooban dhawr su’aalood oo aan iswaydiinayay lagana yaabo in dad badan oo ila mid ahina jiraan, kuwaas oo ka hadlaya Tacliinteenna sare iyo xaaladda ay ku jirto, waxaanay yihiin sidan soo socota;
1. Goorma ayaa la gaadhi doonaa in tacliinteena sare ee jaamacaduhu ay bixiyaan lagu barto afka Soomaaliga?. Ku darsoo dal kasta oo adduunka horumar gaadhay waxay wax ku bartaan afkooda Hooyo. Halka aynu maraynaana imika waxa weeye in caruurteenii barbaarinta luuqadda ingiriisida wax loogu dhigo dugsiyada badankooda, halka dhammaan dugsiyada sarena wax lagu bartaa ay tahay dhigo luuqadda Ingiriisida & Carabida.
2. Ma jirtaa Cilmi-baadhis ay sameeyeen aqoonyahankeena ama jaamacadaheennu oo waxqabad la taaban karo oo ay bulshadeena ku soo kordhisay ama xal u heshay dhibaato ina haysata?. Ku darso oo sannad kasta waxaa jaamacadaha ka baxa kumannaan arday oo dhammaystay qaybaha kala duwan ee cilmiga sameeyana Cilmi-baadhisyo si ay u qoraan buugooda qalinjabinta. Hadaba, Cilmi-baadhisyadaasi ma yihiin qaar laga faa’iidaysto? Mise ardayga, jaamacadda iyo qarankaba maalintaas ayaa ugu dambaysa kumannaankaas Cilmi-baadhisyo oo noqon kari lahaa xalalka, iyo furayaasha horumar kasta oo bulshadu u baahan tahay?.
3. Dhibaatada Cilmi-baadhis ta ardayda ka haysata ee ugu wayni waa luuqadda Ingiriisida oo aanay si wanaagsan u aqoonin. Sidaas darteed miyaan loo baahnayn in ardaydu Cilmi-baadhista ku soo qoraan afka Somaliga iyada oo ay raacayaan habka ugu habboon ee loo qoro?. Tani waxay keeni lahayd in ardaydu sameeyaan Cilmi-baadhisyo marka hore iyagu fahansan yihiin waxay ka rabaan, marka xigana luuqada ay sida ugu wanaagsan ugu fakari karaan ku soo qoraan iyaga oo tixraacyada ay soo xigtaana turjumaaya.
4. Suurtogal ma tahay in tacliinteena sare iyo baahiyaheena bulsheed ama horumarineed la isku beego, si dadka inooga soo baxaya jaamacadaheennu ay u noqdaan qaar sida ugu habboon waxtar inoogu noqda?. Tusaale ahaan anigu waxaan ka mid ahaa macallimiintii ugu horraysay ee lagu soo tababaray Jaamacadda Camuud burburkii ka dib, waxaanan ka mid ahaa barnaamij 20 sano ka hor bilaabmay oo dadkii ka soo baxayna bulshada Soomaaliyeed oo dhami sidii ugu habboonayd uga faa’iidaysteen. Jaamacadda Camuud macallimiin ka soo baxday ayaad ugu tagaysaa deegaan kasta oo Soomaali dagto cidhif ilaa cidhif. Sidaas si la mid ah ayaa qorshe ballaadhan oo dhan kasta ah laga diyaarin karaa ardayda jaamacadaha galaysa haddii loo hawlgalo Ilaahayna JWC la talo saarto.
Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne
Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye
Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye
Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye
Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda
Gudgude, Hadraawi IHN

ALLAA MAHAD LEH

CABDIFATAAX RASHIID MAXAMED
Hargeysa, Somaliland
15/11/2022