Warbaahinta Seminigna Spotlight ee dalka Itoobiya ayaa daaha ka qaaday aragti istaraatiiji ah oo ku saabsan mustaqbalka Somaliland oo ay warbixintan cusubi ku sifaysay dal dimuqraadiyaddiisu adag tahay oo aan la jabin karin, isla markaana la gaadhay waqtigii ay si buuxda uga soo muuqan lahayd khariiradda adduunka iyo masraxa siyaasadda caalamka. Warbixintu waxay saadaalisay in Maraykanku si rasmi ah u aqoonsanayo Somaliland inta u dhaxaysa dabayaaqada 2026 iyo bartamaha 2027.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay muhiimadda dekedda magaalada Berbera, horumarka istaraatiigiga ah ee ay ku tallaabsatay iyo casriyaynta ballaadhan ee lagu sameeyay, iyada oo xustay in ay ka gudubtay marxaladdii hore, isla markaana saamaynteeda siyaasadeed iyo dhaqaale aanay ku koobnayn deked iyo garoon diyaaradeed oo keliya, balse ay tahay goob istaraatiiji ah iyo xarun saameyn ku leh, dhaqaalaha, amniga gobolka iyo tartanka awoodaha waaweyn ee Adduunka.

Sida ay sheegtay warbixintu, Garoonka diyaaradaha Berbera oo leh runway dhererkiisu gaadhayo 13,582 feet ayaa lagu tilmaamay hanti istaraatiiji ah oo qiimaheedu sii kordhayo. Waxaa sidoo kale la xusay in muhiimadda Berbera ay si gaar ah u soo baxayso xilli ay xiisado ka jiraan Badda Cas iyo marin-biyoodka Hormuz, kuwaas oo ah halbowlayaal muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhaq-dhaqaaqa milatari.

Seminigna Spotlight waxay sidoo kale warbixinteeda ku soo bandhigtay falanqayn xeeldheer oo ku saabsan isbeddel weyn oo laga filayo siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland marka la gaadho 2027. Waxay si cad u muujisay sida goobta juquraafiyadeed ee Somaliland ay u noqon karto agab istaraatiiji ah oo muhiim u ah loolanka siyaasadeed ee Maraykanka, NATO, tartanka hawada sare ee NASA, iyo isbahaysiga cusub (Somaliland iyo Israa’iil) ee ka soo baxaya Geeska Afrika.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay: “Aqoonsiga ku wajahan dimuqraadiyad hufan oo aan la jabin karin ee Somaliland waa calaamad muujinaysa in ay gashay xilligii ay si buuxda ugu soo muuqan lahayd iftiinka caalamka. Saadaashu waa mid go’an: Maraykanku wuxuu si rasmi ah u aqoonsan doonaa Somaliland badhtamaha sannadka 2027. Tani ma aha mid ku salaysan sababaha dad badani u malaynayaan, balse waxay ku xidhan tahay muhiimadda juquraafiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan Berbera. Iftiinkani wuxuu kashifayaa istaraatiijiyadda dhabta ah, iyadoo la sheegay in NASA ay xaqiijisay dhabbaha diyaaradaha, isla markaana Somaliland ay ugu dambayn heli doonto aqoonsigeeda.”

Ahmed Salèebaan