
Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in ay “u gudbayaan wejiga xiga ee howlgalkooda” ka dhanka ah Iiraan, isaga oo ku adkeeyay inay “sii burburin doonaan nidaamka iyo awoodihiisa milatari”.
Taliyaha guud ee IDF, Lt Gen Eyal Zamir, ayaa sheegay in Israel iyo Maraykanku ay “si istiraatiiji ah u go’iyeen Iiraan” isla markaana ay geeyeen meel daciifnimo ah “aan hore loo arag”.
Wuxuu sheegay in muddo lix maalmood ah Israel ay “weeraraysey Iiraan iyada oo aan hakad galin” iyo in “howlgalku uu socdo xawaaraha aan qorsheynay inuu ku socdo”.
Wuxuu qoraalkiisa ku yidhi: “Ka dib marka aan dhameystirno wejigii weerarka lama filaanka ahaa, kaas oo aan ku xaqiijinay sareynta cirka iyo inaan joojinnay nidaamka gantaallada, hadda waxaan u gudbaynaa wejiga xiga ee howlgalkiisa.
“Wejigan, waxaan sii burburin doonaa nidaamka iyo awoodihiisa milatari. Waxa jira lama filaan kale oo horey noo sugaya oo aanan damacsaneyn inaan shaaciyo.”
Qoraalkiisa ayaa sidoo kale u gudbay xaaladda Lubnaan, isagoo sheegay in Hezbollah ay sameysay “khalad istiraatiiji ah” markii ay ku biirtay dagaalka, ayna Israel “weerararo xoog leh ka wado, khadka hore iyo gudaha Lubnaa





