Lawyacaddo: Kadib Socdaalkii Madaxweyne Cirro ee Dalka Jabuuti waxaa magaalo xuduuddeedka Lawyacaddo buux dhaafiyey dad weyne tiro badan oo ka soo xagaa baxay dalka Jabuuti.
Isu socodka iyo dhaq-dhaqaaqa labada dawladood ayaa ahaa mid taagan kadib khilaafkii Jabuuti iyo Somaliland ee ka dhashay heshiiskii Somaliland la gaadhay Ethiopia kaasi oo ay bar bilowgiisa lahayd Xukuumaddii hore ee uu gadh wadeenka ka ahaa Madaxweynihii hore Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi.
Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqday Magaaladda Lawyacaddo gaar ahaan Kastamka laanta Socdaalka Somaliland ee magaaladdaasi.
Telefiishanka Qaranka Somaliland ayaa baahiyey in Sanadkan uu yahay mid ka baddan sanaddihii hore marka loo eego socdaalka dadka soo xagaa baxay.
Najax Cunaaye