Itoobiya oo ka Hadashay Awaamiir Culus ku soo Rogtay Shirkadaha Qaadka iyo Saameynta Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Ganacsiga ee dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay inay awaamiir adag ku soo rogtay dadka qaadka Itoobiya ka ganacsada.
Waxa ay Dawladda Itoobiya sheegtay inay liisanka cusub ee ay ku soo rogtay ganacsatada qaadku uu la xidhiidho sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhac ku yimid dakhligii Itoobiya uga soo xaroon jiray Jaadka.
Wasaaradda Ganacsigu waxay sheegtay in tobankii sannadood ee laga soo dhaafay Itoobiya ku weyday lacag dhan 248 Milyan.
Balse ay fajiciso ku noqotay in sannadkii hore oo kaliya ay kaga baaqatay 400 oo Milyan oo doolar.
Qoddobada ay soo rogeen waxa ka mid ah in dhammaan ganacsatada qaadka dhoofiya oo dhami ay dib u qaataan ruqsado cusub, isla markaana gaadiidkooda ku xidhaan GPS.
Itoobiya waxay sheegtay in 5 kun oo ganacsade oo hore u diiwaangashanaa ay ka shaqeeyaan uun 500 oo shirkadood.
Shuruudaha walaaca laga muujiyay waxa ka mid ah in ganacsadaha qaadanaya liisanka cusubi uu keeno cadayn la xidhiidha inuu sannadkii u dambeeyay Itoobiya ka qaatay qaad qiimihiisu dhan yahay Nus Malyuun doolar ama 500.000 oo doolar. Taasi oo ah mid aad ugu adag oo ay walaac ka muujiyeen beeralayda Jaadka ee Itoobiya.
Sharcigan wuxuu saameyn doonaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah, oo aan tahli doonin inay ka soo baxaan shuruudaha waaweyn, taasina ay saameyn ku yeelan doonto ganacsigoodii.