Itoobiya oo Shaacisay inay Aqoonsanayso Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland
Addis ababa(Qaran news)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay inay aqbashay inay Jamhuuriyadda Somaliland siiso aqoonsiga caalamiga ee loogu ictiraafayo “Dal madax bannaan.”
Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Misganu Araga, ayaa tilmaamay inay Itoobiya aqbashay inay aqoonsi ku baddelato kadin baddeed ay ka hesho badda cas.
Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) oo ay xigatay laanta Af Axmaariga ee Idaacadda BBC-da.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa is faham taariikhi ah kala saxeexday Isniintii toddobaadkan, waxana Jamhuuriyadda Somaliland ay 20Km oo kaddin baddeed kiro ah u ogolaatay Itoobiya, waxayna dhaafsatay in dawladda Federaalka Itoobiya ay noqoto dalka u horreeya ee shaaciya aqoonsiga Somaliland marka labada dal is fahamkooda ay u beddelaan heshiis rasmi ah oo labada hoggaamiye kala saxeexan doonaan dhawaan.
Waxa tallaabadaasi noqonaysaa mid ahmiyad weyn u leh Somaliland iyo Itoobiya.
Sidoo kale, waxa uu fahamku uu jidaynayaa in cilaaqaadka labada dal la gaadhsiiyo halka ugu sareysa gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo diblomaasiyadaba.