Ninkii shalay subax si arxan daro ah ugu toogtay marxuum Maxamed Axmed (Xuub) Kaahin ayaa la soo qabtay .

Ninkan wax dilay oo lagu magacaabo Cabdi Adan Rooble ayaa markii uu dilka gaystay baxsaday, waxana baadi goob iyo baadhitaan xoogan galay ciidamada amaanka ee Somaliland gaar ahaan ciudamada Booliska ee Jamhuuriyada Somaliland.

Baadi goob xoogan oo qaatay habayn iyo maalin waxa ay ciidamada amaanku ogaadeen in ninkaasi dilka gaystay uu xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhaxeeya uu ka talaabay, kafibna ay ciidamada Booliska ee Somaliland ay dawalada Itoobiya ku wargaliyeen in ninkaasi u soo talaabay dhankooda ay soo qabtaan una soo gacan galiyaan Somaliland. Hadaba markii ay warbixinta gacan ku dhiiglaha ay heleen ciudamada amniga ee Itoobiya waxa ay galinkii danbe ee maanta ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka u gaystay marxuum Maxamed Axmed (Xuub) Kaahin  isla markaana caawa lagu soo xidhay mid ka mid ah saldhigyada magaaladda Hargrysa waxana la hor geyn doonaa sharciga.

Xukumadda Somaliland iyo Itoobiha ayaa hore heshiis ugu gaadhay in la isu soo gacan galiyo wixii danbiyo ka soo gala dalalkooda ee xuduuhda ka talaaba, sidoo kale ayaa Somaliland  iyo maamulka Putland waxa ay galeen heshiis kaas la mid .