Shirkadda Maraakiibta iyo dhinaca gadiidka Badda ee dalka Ethiopia ayaa boggageeda ku baahisay tobannaan gaadiid oo kuwa xamuulka ah kuwaas oo ku safreyey waddada dheer ee xidhiidhisa Ethiopia iyo Somaliland ee Berbera Corridor.

Gaadiidkan oo oo siday Koonteennaro aad u badan ayaa ka soo baxay dekedda magaalada Berbera iyaga oo ku wajahan dalka Ethiopia.

Addis ababa ayaa xoojinaysa adeegsigeeda dekedda Berbera oo ka mid ah meelaha ay wax uga soo degaan Ethiopia oo ah waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika ee aan badda lahayn ee dunida ku yaalla.

Gallaydh TV