๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐๐๐ก ๐ช๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ก ๐๐ฌ๐ข ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ฅ๐๐ก ๐๐ ๐จ ๐ค๐๐๐๐ง๐๐ฌ ๐ฎ๐ญ๐ฐ ๐๐ฅ๐๐๐ฌ ๐ข๐ข ๐๐จ ๐๐จ๐จ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ง๐๐ฌ ๐๐๐๐ค๐๐ ๐ช๐๐ซ๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ณ







Jaamacadda Hargeysa ayaa kulan wacyigelin, dhiirrigelin iyo dardaaran ah u qabatay ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐ญ๐ฐ-๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต ee ku guulaystay ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐พ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐
๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ-๐๐ฎ๐
๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ณ, taas oo daboolaysa ๐ฑ๐ฌ% kharashka waxbarashadooda. Kulankan oo lagu qabtay ๐ช๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐บ๐ฒ ๐ฅ๐ฒ๐๐ฒ๐ฎ๐ฟ๐ฐ๐ต ๐๐ฎ๐น๐น ee Jaamacadda Hargeysa ayaa ujeeddadiisu ahayd in ardayda la siiyo hagitaan ku saabsan muhiimadda deeqda ay heleen, masuuliyadda ka saaran ilaalinta fursaddan iyo sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen.
Deeqdan waxbarasho ayaa waxaa ku guulaystay ๐ฎ๐ญ๐ฐ ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐ oo laga soo xulay ๐ฑ๐ฌ๐ณ ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐ oo soo codsatay, kuwaas oo ๐ฐ๐ฌ๐ฏ ka mid ah lala yeeshay waraysiyo iyo qiimayn lagu eegayay duruufahooda dhaqaale iyo bulsho, si loo xaqiijiyo in deeqdu gaadho ardayda ugu baahida badan ee aan awoodin bixinta kharashka waxbarashada jaamacadeed.
Ugu horrayn, waxaa madasha ka hadlay ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐ข๐บ๐ฒ๐ฟ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฒ, Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo Xidhiidhka Ardaydii Hore ee Jaamacadda ka Qalinjabisay, ahna Guddoomiyihii Guddida Xulista Deeqda Waxbarashada. Agaasimaha ayaa faahfaahin ka bixiyay hannaankii loo maray xulista ardayda, isaga oo sheegay in guddidu si gaar ah u tixgelisay duruufaha dhaqaale ee qoysaska, heerka baahida ardayda iyo awooddooda ku aaddan bixinta kharashka waxbarashada. Waxa uu xusay in deeqdan loogu talagalay in lagu taageero ardayda ay duruufaha dhaqaale ka hor istaagi kareen sii wadashada waxbarashadooda.
Sidoo kale, ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ต๐บ๐ฎ๐ป ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐น๐น๐ฎ๐ต๐ถ, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa ardayda ku boorriyay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadda ay heleen, isla markaana ay dadaal iyo aqoon korodhsi ku taageeraan qoysaskooda. Waxa uu kula dardaarmay inay mustaqbalka noqdaan kuwo waalidkood ka saara duruufaha adag ee dhaqaale, isla markaana bulshada wax ku soo celiya.
Dhankiisa, ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐๐ถ๐น ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ, Agaasimaha Xafiiska Xidhiidhka iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda, ayaa bogaadiyay dadaalkii ay guddida xulistu ku bixisay qiimaynta codsiyada iyo xaqiijinta hufnaanta hannaanka xulista. Waxa uu ardayda kula dardaarmay inay ilaashadaan fursaddan qaaliga ah, kana fogaadaan wax kasta oo sababi kara inay dayacaan waxbarashadooda.
Waxaa isaguna madasha ka hadlay ๐๐ฟ. ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ . ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฎ, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa, oo sheegay in jaamacaddu ay mudnaan gaar ah siinayso in ay bulshada dib ugu celiso wixii ay awowodo, gaar ahaan taageeridda ardayda aan awoodin kharashka waxbarashada. Waxa uu tilmaamay in deeqdani qayb ka tahay dadaallada Jaamacadda Hargeysa ee lagu ballaadhinayo fursadaha waxbarashada sare, laguna garab istaagayo ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
Sidoo kale, ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฟ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Waxbarashada, ayaa ardayda ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inay ilaashadaan heer waxbarasho oo wanaagsan, muujiyaan dadaal joogto ah, isla markaana ku dhaqmaan anshax iyo akhlaaq wanaagsan. Waxa uu maamulka Jaamacadda Hargeysa uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan taageeridda bulshada iyo abuurista fursado waxbarasho oo ay ka faa’iidaystaan ardayda danyarta ahi.
Ugu dambayn, kulanka waxaa soo xidhay ๐๐ฟ. ๐๐๐ฎ๐ฑ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐ข๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ, Guddoomiye-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Hargeysa, oo ardayda kula dardaarmay inay dedaal dheeraad ah muujiyaan, si ay uga midho-dhaliyaan fursadda waxbarasho ee ay heleen. Waxa uu ku dhiirrigeliyay inay mustaqbalka noqdaan aqoonyahanno wax ku ool u ah qoysaskooda iyo bulshadooda, isla markaana ay ka qayb qaataan yaraynta culaysyada dhaqaale ee haysta waalidkood. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay waalidiinta iyo ardayda ka soo qaybgalay kulanka.
Deeqdan waxbarasho ee ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ณ ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ ay ku taageerto ardayda danyarta ah, kor ugu qaaddo helitaanka waxbarashada sare, isla markaana ay ku xoojiso ๐บ๐ฎ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฏ๐๐น๐๐ต๐ผ ee jaamacadda.
SALLO MEDIA
#hargeisa_somaliland





