
Waxa soo baxaysa xaqiiqda in dalka Djibouti uu dagaal dadban uu kula jiro dalka iyo shicibka Somaliland
Waxa la xaqiijiyay in Kornayl Maxamed Jaama Ducaale oo ah taliyaha ilaalda madaxtooyada Jabuuti uu hub faro badan uu ka soo gudbiyay xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti oo uu keenay deegaanka Gees-tiir sarkalkani ayaa dalka Djibouti iyo xulafadooda u qaabilsan sidii colaad looga abuuri lahaa deegaankasi gobolka Salal.
Waxana ay Djibouti, Turkiga, Masar iyo Somalia ay rabaan in ay wiiqaan amniga Somaliland
Caawa nin afka soo duubtay ayaa magaaladda Saylac ku dhaawacay nin shicib ah, isla markiiba waxa amaanka la wareegay ciidanka Booliska waxana arinka soo faro galiyay ciidamada kale ee amaanka oo baadhitaan galay culus galay.
Amniga magaaladda Saylac iyo nawaaxigeeda ayaa hada sugan nolasha magaaladuna waa caadi wax dhib ah oo jiraana ma jiraan hada
Xukuumadda Somaliland ayaa hore amar ugu soo rogtay deegaanadaasi in aan la aqbali doonin qof shicib ah oo hub sita qofkii lagu arkana talaabo laga qaadi doono.
Ciidamo xoogan oo kumanaan kun oo askari oo milatari gaashaman ah ayaa ku sugan gobolka Salal ee xuduudka la leh Djibouti Xukuumadda Somaliland waxa ay la socotaa dhaq dhaqaaqyda cadawga.
Deegaanadani ayaa nabdoonaa 35 sodonkii sano ee ina soo dhaafay waxana mudooyinkii u danbeeyay deegaankasi ay colaadi ka dhaxaysay shicibka wada dega gobolka Salal colaadaasi oo ay hurinaysay dawlada Djibouti oo ay hore xukumada Somaliland ugu dhaliishay taasi oo hada soo xaqiiqoobaysa.





