Jaliyadda Somaliland ee Wales oo casho sharaf ku soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Hargeysa(Qaran news)-Jaaliyadda Somaliland ee Wales ayaa Afur iyo Casho Sharafeed u samaysay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuriyada Somaliland Prof. Yassin Haji Mohamoud Xiir “ Faratoon”. Halkaas oo ay ka soo qayb galeen hal doorka Jaaliyadda Somaliland ee Wales.

Ujeedada Xafladda waxay ahayd Soodhaweyn iyo Maamuus loo Sammaynaayey Gudoomiyaha, Golaha Wakiilada JSL.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Prof. Yassin Haji Mohamoud Xiir “ Faratoon” ayaa kulankan ku soo Xidhay hadal isugu jira Mahadnaq , Guubaabo, dardaaran iyo duco.