JAWAAN XALAY GUDAY OO GODAY TEGAY MEEL UU SHALAY MARAY OON MIDH KAGA DHICIN MEEHANAABAY EELKA KII DHIGAY U ERGOOTOOY.

R
Waddanka Soomaaliland waxa ka soo dhacay dhacdooyin cajiiba boobkii ugu xumaa oo uu sameeyay faashiistii Siyaad Barre iyo inankuu adeerka u ahaa Gaanni.

Waxa yimid dekedda Berbera dhulkoo nabad ah oo aanay belaayo jirin matkab weyn oo siday baabuur iyo bagaash ay leeyihiin dad shicibi alaabtii markii la wada rogay ayuu Gaanni amar ku bixiyay ciidamada iyo jabhadihii Soomaali galbeed inay gaadiidka iyo bagaashkaba gurtaan waa dhamaadkii 1981kii markii ay toogteen Cabdillaahi Xaaji Siciid iyo labadii sarkaal ee kale, waxa dekedda Berbera ilaa kantaroolka magaalada mar qudha soo buuxiyay gaadiidkii waaweynaa ee ciidamada oo ay madax ka yihiin saraakiil Ogaadeen u badani waxa dhacay boobkii u xumaa ee Soomaali lagu sameeyo waqtigaas.

Ciidamadii oo dirayskii sita ayaa wixii kastamka yaallay gaadiid iyo alaabba intay galabnimadii dekedda galeen rartay alaabtii kastamka taalay oo dhan gaadiidkiina way kaxaysteen waxba kamay tegin ilaa habeenkii way boobayeen.

Subaxnimadii ayay dadkii alaabta lahaa kastamkii oo faaruqa dhex waraagaaleysteen iyagoo yaabban ayay xamaalintii weydiiyeen alaabtii? Xamaalintii iyadoo suugaanaysan wixii dhacay ayay yidhaahdeen JAWAAN XALAY GUDAY OO GODAY TEGAY MEEL UU SHALAY MARAY OON MIDH KAGA DHICIN MEEHANAABAAY EELKA KII DHIGAY U ERGOOTOOY.

Shicibkii alaabta lahaa oo u cabanaya madaxdii kastamka ayay suugaantaas wax ugu sheegeen xamaalintii.

Mihiimadda qoraalkayga Somaliland maalka soomaalida iyo ka aadamuhu wuu ku culusyay way xaq siisaa waxaana habboon soomaalidu inay xaqiiqada u soo noqoto oo ay fahanto qaddiyadda meesha taalla.

Somaliland waa cadceed adduunyada dul taagan maanta lama qarin karo.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.