Ka Hortagga Duumada: Noloshaada Badbaadi!

Duumadu waa cudur halis ah oo ay faafiso kaneecada, gaar ahaan habeenkii. Calaamadaha duumada waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, dhidid badan, iyo qadhqadhyo. Haddii aan si degdeg ah loo daaweyn, waxay sababi kartaa dhimasho!
Maxaad samayn kartaa si aad isaga ilaaliso? 1. Seexo adigoo isticmaalaya marokaneeco gaar ahaan hooyada uurka leh iyo ilmaha 5 sano kayar. 2. Burburi meelaha ay biyuhu fadhiistaan:, dabool taangiyada biyaha. 3. Xidho dhar daboolan: Gaar ahaan fiidkii iyo subaxdii hore. Haddii aad isku aragto calaamadaha duumada: * Degdeg u tag xarunta caafimaadka ee kuugu dhow! Baadhitaanka degdegga ah iyo daaweynta saxda ah.Ha isku dayin inaad iskaa wax isku daaweyso. Xusuusnow: Kahortaggu wuu ka fiican yahay daaweynta!






