Dawladda Canada ayaa dardar-galisay dib u celinta dadka magan-galyo-doonka ee canada ka soo galayay dhanka Mareykanka kuwaasi oo hadda dib loogu celinayo mareykanka.
Canada ayaa Mareykanka dib ugu celisay 3,282 qof siddeeddii bilood ee ugu horreyay snadkan 2025.
Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah qareenada iyo ddaka u dooda xquuqda soo galootiga ee dalkaasi.
Garyaqaan Mohamed Doolli oo ah Qareen in ka badan 30 sano ka hawl galayay magaalada Toronto islamarkana sharciyaqaan dhanka socdaalka ah ayaa BBC-da u sheegay in xilligan uu Maraykanku yahay meelaha ugu daran ee dadka magangalyo-doonka ahi ay ku noolaadaan.”Kanada iyo Maraykanka heshiis ayaa ka dhaxeeyay waxaanu dhigayay in qaxootiga Maraykanka ka yimaadda aanay u soo gudbi karin dalka Kanada.Laakiin maanta Maraykanku ma aha meel amni ah. Qaxootiga waxa lagu la dhaqmaa wuxuush nimo,” ayaa uu yidhi
Bbcsomali





