Khaladaad ay ku kacdey wasaarada Arimaha dibada Somaliland
” Danjiruhu hawl kasta oo uu qabanayo, oo ay ku jiraan safarrada uu ku marayo dalka uu joogo gudihiisa, waxa uu uga fasax qaataa dawladdiisa. Sida oo kale, falalka uu ku kacayo, ereyada uu dalka ka odhanayo, saaxiibtinimada iyo nooca xidhiidh ee uu la yeelanayo iyo go’aamada uu ka qaadanayaaba waxa ay ka turjumayaan siyaasadda dalkiisa.
Dhinaca kalana, Danjire kasta taladiisa iyo warka uu bixiyo ayaa sees u ah go’aamada uu dalkiisu ka qaadanayo dalka uu joogo, waxaaba intaas dheer in warkiisu uu saamayn ku yeelan karo dalalka kale ee ay saaxiibka ama xulafada yihiin dalkiisa.
Sidaas awgeed, marka dal uu wax ka tirsanayo danjire, waxa uu cabasho ama dacwad u diraa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka uu ka socdo danjiruhu.
Danjiraha oo aad si toos ah u canaanataa waxba kama beddesho falalkiisa iyo hadalladiisa, waxa keliya ee ay keeni kartaa waa in uu u arko weerar shakhsi ah, taasina ay saamayn ku yeelato nooca xidhiidh ee uu adiga iyo dalkiisa ka dhex abuurayo, iyo warka uu ka bixinayo siyaasadda iyo guud ahaan xaalladdaada.
(FG: Maraykanku maadaama oo aanu Somaliland aqoonsanayn, danjirahani waxa uu u qaabilsan yahay Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.)
Waxa iyadana baratakool ahaan laga fiicnaa dhambaalka hambalyada ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland u dirtay Kevin McCarthy, guddoomiyaha dhowaan loo doortay golaha wakiillada Maraykanka oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga.
Wasaaraddu waxa ay ka socotaa golaha fulinta (Xukuumadda), sida saxda ahina waa in ay la macaamisho keliya golaha fulinta ee dalalka ay xidhiidhka leeyihiin.
Waxaa xusid mudan in xubinta ay hambalyeysay uu ka socdo xisbi mucaarad ah oo dagaal siyaasya oo adag kula jira madaxweynaha ay xukuumaddiisa xidhiidhka iyo wada shaqaynta la leedahay.
Waxaa muhiim ahayd xukuumaddu haddii ay doontay hambalyeynta masuulkan, in si aanay ugu muuqan in ay dhexgelayso loollanka siyaasadda arrimaha gudaha ee Maraykanka, ay dhexmarto shirguddoonka aqallada baarlamaanka ama guddiyadiisa arrimaha dibadda “