Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Wasiirka Arimaha dibada S/land  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaa.
Khilaafkan oo aan weli dibada u soo shaac bixin ayaa xogo ay heshay Waraabintu u xaqiijiyeen inuu Wasiirku Agaasimaha ka joojiyey saxeex-yada qaarkood.
Waxaa hore Wasiirka Arimaha Dibada khilaaf xoogan uga dhex Qarxay Agaasimii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada , kaas oo uu saxeexii ka joojiyey , isla markaana uu xafiiskiisii ka xidhay.
Khilaafkaas hore ayaa sababey in madaxweyne Biixi Agaasimihii Guud ka bedelo Wasaarada.
Dadka faalleeya siyaasadda Somalilland ayaa sheegaya in hadda khilaafkan natiijadiisa loo badinayo in uu galaafto wasiirka.