Komishanka Doorashooyinka oo la Kulmay Wefti ka socday UK iyo Denmark

Hargeysa(Qaran news)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa kullan la qaatay masuuliyiin ka socday wadamada UK, Denmark iyo saraakiil kale oo Somaliland kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka.

Weftigaas ay kullanka la qaateen komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa waxa kala hogaaminaayay labada Safiir ee UK iyo Denmark (‪Ambassador Mike ‬ iyo Ambassador Steen Sonne), kuwaas oo ay wehelinayeen saraakiil kale oo ka tirsan xafiisyada safiiradaas.‬

Kullankaas oo ka qabsoomay xarinta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee caasimada Hargeysa ayaa intii uu socday waxa lagaga wada hadalay qorshaha hirgallinta qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada Qaranka Somaliland, kuwaas oo ku muddaysan inay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024.

Masuuliyiinta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa sheegay in kullankaasi ahaa mid muhiim ah, maadaama oo sannadkan hadda ay ku jirno dhammaadkiisa la filaayo inay Somailand ka qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada Qaranka, dalalka safiiradaasika sodaana ka mid yihiin kuwa Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimquraadiyada.