Komishanka Maamul Wanaagga oo Furay Tababar uu Maalgeliyay Midowga Yurub
Harģeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa u furay Tobbabar ay iska kaashaadeen European Union Capacity Building Mission ( EUCAP) iyo Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . hawl wadeeno iyo masuuliyiin ka tirsan 13ka mid ah Hay’addaha, Wasaaraddaha ,Garsoorka iyo Ciidamadda JSL .
Kuwaas oo kala ahaa, Maxkamada Sare, Xeer ilaalinta Qaranka , Booliska, Ilaaladda Xeebaha, Ciidamadda Socdaalka, Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga, Arrimaha Gudaha, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka , Deegaanka iyo xafiiska Budhcad badeedka.
Tobabarkan oo ku saabsanaa Doorka Maamul Wanaaggu ku leeyahay ka hortaga Musuqmaasuqa.
Tobabarkan oo ibo fur u sah tobabaro kale oo ay iska kaashan doonaan komishanka iyo EUCAP kuwaas oo xidhiidha ah siina socon doona.