Komishanka oo kulamo wada tashiya la yeeshay 3-da xisbi iyo Madaxda Ururrada

Hargeysa(Qaran)-Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta la kulmay madaxda saddexda xisbi Qaran iyo ururrada Siyaasada.

 
Guddida doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa maanta xaruntooda ku qaabilay, isla markaana mid mid ula kulmay masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.
 
Sidoo kale guddida doorashooyinku waxa ay kulan la yeesheen masuuliyiinta ururada siyaasada Somaliland, iyaga u talo badsanaya doorashooyinka dalka ku soo fool’leh.
 
Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga UCID Cali Xaamuud Jibriil, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan mowqifkoodii iyo wixii talo ah ay ugudbiyeen guddida doorashooyinka Qaranka JSL, waxaanu in wixii sharciga waafaqsan ay Koomishanka ku taageerayaan.
 
Maalintii shalay ayay ahayd markii guddida doorashooyinka Somaliland ay warbaahinta u sheegeen in ay   ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cidda y rabaan, isla markaana kahor inta aanay ku dhawaaqin wakhtiga doorashada, ay la tashan doonaan xisbiyada, ururada siyaasada iyo ururada bulshada.