Komishanka oo Shaaciyay inay Cayimayaan Doorashooyinka
Hargeysa(Qaran news)- Komishanka doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa sheegay in ay dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo jadwladka doorashada.
Guddida ayaa sidan ka sheegtay kulamo kala duwan oo ay la qaateen shir-guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, ee guurtida iyo wakiillada.
Geesta kale waxa ay xuseen in ay wada shaqayn leeyihiin maxkamadda sarre, isla markaana ay soo dhawaynayaan jawaab celintii maxkamadda sare.
Muuse Xasan Yuusuf guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka oo warbaahinta la wadaagay inay dhawaan ku dhawaaqayaan doorashada.
Waxaanu yidhi.“Guddida doorashadu iyada ayaa leh go’aanka aanu ku soo saarayno jadwalka doorashada dalka ka dhici doonta, dhawaana waanu soo saarayna haddii ILLAAHEY yidhaahdo jadwalka doorashada.”
Sidoo kale waxa ay ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cidkasta oo ay rabaan.
Waxaanu yidhi.“La tashiga anagaa xaq u leh, waanu sameynayna la tashiga daneeyayaasha oo dhan ayaanu la tashanaynaa, xisbiyada ayaanu la tashanaynaa.”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada JSL Siciid Mire Faarax Giire, ayaa sheegay in guddida doorashooyinku iska leeyihiin labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada ta soo horraynaysa.
Waxaanu yidhi.“Wixii tallooyin ee mihiima waanu gudbinay, Qarankuna waxa uu isha ku haya qabsoomida doorasho la galo, dalkuna doorasho ayuu u baahan yahay, doorashadana cid gaar ahi malaha ee Qaranka ayaa leh, waanu soo dhaweynaynaa, masuuliyadina waxa ay ka saran tahay guddida doorashooyinka, anaguna ka gole wakiilo ahaan waxaa aanu ku boorinay inay waajibka dastuuriga ah gutaan, shaqadooda qabsadaan, wixii ay nooga baahdaana aanu la garab taaganahay.
Guddida doorashooyinka ayaa iska leh go’aankeeda doorashada soo horraynaysa, golaha wakiilladu maleh, doorashada dalku galayo iyaga ayaa laga sugaya, anaga nalaga sugimaayo.”