Waxan maanta kulan isbarasho iyo wacyi galin isugu jira la qaatay shaqaalaha wasaaradda hormarinta maalgashiga iyo warshadaha JSl kulankaasi oo ku saabsanaa, ilaalinta saacadaha shaqada, iyada oo lagu dhaqmaayo wareegtadii madaxwaynaha dalka, iyo wareegtadi hay’adda shaqaalaha dawlada.
Dardar gelinta shaqada wasaaradda iyo sidii shaqaaluhu si hagar la,aana ugu shaqayn lahaa qaranka.
Waxanu ubalan qaadnay inaanu shaqaale waynaha wasaaradda u cadaalad samaynayso isla mar ahaantaana shaqaalaha lagula xisaabtamayo hanaanka shaqo, karti iyo wixii xeerka shaqaaluhu qabo.
Dhanka aklena Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Degmada Gebilay.