Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta wasaarada.

Shirkan oo uu gudoominaayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada arrimaha gudaha iyo Amniga, Mudane Maxamed Cali Maxamud (Shabeel) ayaa lagaga hadlay qodobo dhowra oo lagu dardar gelinaayo shaqada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Agaasimaha Guud ayaa Agaasimayaasha waaxyaha wasaarada ku booriyay sidii ay u Laban laabi lahaayeen shaqada wasaarada iyo sidii loo xoojiyo wada shaqaynta Waaxaha iyo shaqaalaha wasaarada dhexdooda.
Sido kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaarada, ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay mudadii la soo dhaafay, iyo qorshayaasha u diyaarsan bilaha soo socda.
Bashiir Abdi Abdilahi
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga





