Kulan Dhexmaray Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI




Hargeysa(Qaran news)-Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Hargeysa galabta.

Kulanka oo ahaa casuumad Afur ah uu sameeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana daba socday shirkii Madaxweynaha Qaranku la yeeshay xisbiyadan Arbacadii, waxa ka qaybgalay xubnaha hoggaanka labada xisbi oo ay kala horkacayeen – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Musharaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay kala weheliyeen madaxda sarsare ee xisbiyadu, waxaana lagaga hadlay arrimaha u diyaargarowga doorashooyinka soo socda iyo dhammeystirka wixii hawlo ah ee horyaala.

Gebogabadii waxa loo ballamay kulamo sadex geesood ah oo uu qayb ka yahay xisbiga kale ee UCID.