Kulan Wefdigii Isimada dhaqanka ee SSC iyo Dolwada Ethopia oo ku dhex maraya Garoowe ayaa is afgarad ku soo dhamaaday .
Saraakiil ka socda Ethiopia ayaa Garoowe kulan kula yeeshay Isimada Dhaqanka SSC iyagoo ka wadahadlay xaaladda gobolka Sool.
Wafdigan ayaa hore Hargeysa ugula kulmay madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada kuwaas oo iyana ay ka wadahadleen xaaladda Sool.
Natiijada shirarkan ayaan weli la shaacin.Dhexdhexaadinta Ethiopia ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawr maalmood aanu wax dagaal ahi ka dhicin Laascaanood iyo nawaaxigeeda inkasta oo labada Ciidan is horfadhiyaan.