Kulan Lagaga Tashanayey Xeerka Ciidanka Dab-demiska oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Kulanka Wadatashiga xeerka Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland oo maanta ka Qabsoomay xarunta Golaha Wakiilada JSL.

Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Guddida Arrimaha Guddaha ee golaha wakiilada somaliland.

Kulanka taliyaha iyo guddida ayaa ujeedkiisu ahaa wadatashiga iyo lafo-gurka Xeerka Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo meel fiican maraya.

Kulan Guddida iyo taliyaha ayaa waxa ku wehelinahey Amran Axmed Baashe, oo ah Hogaan Maamulka iyo Maaliyadda ee ciidanka iyo sidoo kale Hogaanka Hawlaha Ciidanka Dabdemiska Cabdicasiis Axmed Cilmi.

Kulankan wada tashiga xeerka ciidanka ayaa waxa iyaguna qayb ka ahaa, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Xiir Faratoon Garyaqaanka Guud ee qaran Cabdisamed Cumar Maal, Gudoomiyaha Nadfor Faysal Cali Sheekh, xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha, wakaalada Biyaha Xubno ka socday Arrimaha bulshadda, Garyaqaano, Dawladda hoose hargeysa iyo Garyaqaanada Golaha wakiiladda Somaliland.

Ugu dambayn kulankaasi ayaa kusoo dhamaaday is af-garad, sidoo kalena layskugu soo noqon doono kulamo kale.