Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dawlada Taiwan u joogga Jamhuuriyadda Somaliland, kulanka ayaa ahaa mid is barasho iyo sidii loo sii joogtayn lahaa xidhiidhka labada wadan iyo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee dawladda Taiwan ay ka wado Somaliland.
Kulanka waxa wasiirka ku weheliyey, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ujoogga wadanka Taiwan, Ambassador Maxamed Xaaji iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Taiwan ay ku leedahay Somaliland.