Hargeysa(Qaran news)-Madaxweaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Casuumad u sameeyay qaar kamida ganacsatada Somaliland gaar ahaan kuwa beesha Garxajis kulankaasi oo aan wax siyaasad ku saabsan aan lagaga wada hadlin waloo mararka qaarkood kaftan la isku tuur tuuraayay

Madaxwynuhu waxa la sheegay inuu ku martiqaaday beertiisa Geedeeble, waxaana la weriyay inuu u soo bandhigay ganacsatadaas inay ka mid noqdaan ganacsato la sheegay in la doonayo inay maalgashadaan biyaha caasimada si ay magaaladu u hesho biyo ku filan.

Waxa warku intaas ku daray in ganacsataduna ay soo kormeereen dhaam gabogabo ku dow iyo ceelasha biyaha ee xarunta biyo soosaarka Hargeysa ee Geedeeble.
Ma jiro war ka soo baxay madaxtooyada iyo ganacsatada, waxase la sheegay in kulankaasi qabsoomay.

Hase ahaatee waxa dhawaan ay ganacsatdaasi xukuumaddu ka faasaxday warshadii Kabista ee ku taalay Dabada caadaada ee koonfur bari ee magaalada Hargeysa dhulkaasi oo laga siiyay lacag kor u dhaafaysa 2 milyan oo doolar iyada oo ay wararku sheegayaan in isla markiiba ay dhulaasi faasaxeen iyada oo loo saaray lacag lagu qiyaasayndhowr boqol oo kun oo doolar

Ganacsatada Madaxwayne Biixi, casuumay ayaa kala ah.

1- Cabdikariin Maxamed Iid Guddoomiyaha shirkadda Telesom
2- Khadar Ambassador mulkiilaha Huteelka Ambassador
3- Cismaan Kaahin mulkiilaha Kaah Business
4- Cabdikariin Muruq Liqe mulkiilaha IBS BANK
5- Maxamed Shukri mulkiilaha Al Shukri Business.
6- Cismaan mulkiilaha Star Group