Kulamo xasaasi ah ayaa caawa ka bilaabmay magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa caawa madaxtooyada kulan ugu yeedhay qaybo ka mid ah tageerayaashiisa oo ka koobnaa odayaal dhaqameed,ganacsato iyo xubnaha golaha guurtida kaga jira beesha bariga Burco

Waxa sidoo kale caawa kulan albaabadu u xidhanyihiin isugu yimid aqlabiyada xildhibaanada golaha wakiilada ee mucaaridka ka soo jeeda kuwaasi la socda dhaq dhaqaaqa madaxweynaha ee ku salaysan in aan dalka doorasho ka dhicin, sida ay sheegeen xubno ka mid ah xildhibaanada caawa shirkaasi ku jira

Ilaa hada wax war ahi kama ay soo baxin xaga mdaxtooyada iyo dhanka mucaaridka toona. Hase ahaatee waxa ay wararku sheegayaan in madaxweynahu uu kala hadlay xubnahaasi uu ugu yeedhay kulankaasi arimaha doorashada, iyo ictiraafkii oo uu gacanta ku hayo iyo arimo kale.

Kulankaasi ayaa la sheegay in uu is afgarad ku dhamaaday