7Kulankii Bilaha ee Qiimaynta Dhismaha Suuqa Waaheen oo Maanta Qabsoomay
















Waxa maanta ka Qabsoomay Damal Hotel kulankii Bilaha ahaa Dhismaha Dawladda Hoose ee Bacadlaha iyo Sariibada Hilibka iyo Khudaarta Suuqa Waaheen (Wahen Shopping Mall-A1), kulankan oo ay ka soo qayb-galeen Xubnaha Guddida Heer Qaran ee Suuqa Waaheen iyo Baanka Dhexe Somaliland oo ay weheliyaan Maamulka Shirkadda Sema Consultant iyo Shirkadda Daryeel Construction ee gacanta ku haysta Dhismaha Dawladda Hoose ee Bacadlaha iyo Sariibada Hilibka iyo Khudaarta Suuqa Waaheen (Wahen Shopping Mall-A1).
Ugu horayn, masuuliyiinta ayaa Kormeer ku tagay goobta uu dhismuhu ka socdo ee Suuqa Waaheen, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulaha dhismaha A-1 ee Shirkada Daryeel iyo Shirkadda Sema Consultant ee qaabilsan Dabagalka iyo kormeerka shaqada, waxaanay masuuliyiinta sharaxaad balaadhan ka siiyeen shaqooyinka qabsoomay tan iyo intii Shirkadda Daryeel ay la wareegtay shaqada dhismaha oo ay ka soo wareegtay muddo 40 maalmood ahi, kaasi mashruuca gaadhay horumar la labaatan karo.
Ka dib Kormeerka shaqada La qabtay, masuuliyiinta Kormeerka sameeyey iyo shirkadaha gacanta ku haya dhismaha ayaa shir ku yeeshay Hotel Damal ee magaalada Hargaysa, Kulanka oo masuuliyiinta Shirkadaha Sema Consultant iyo Daryeel Construction ayaa masuuliyiinta Baanka Dhexe Somaliland iyo Guddida Heer Qaran ee Suuqa Waaheen u soo bandhigay war-bixinta Shaqooyinka qabsoomay, heerka uu mashruuca dhismuhu marayo, Caqabadaha jira iyo talaabooyinka mustaqbal la qaadi doono.
Gunaanadkii shirka ka soo qayb-galayaasha kulanku waxa ay isla qaateen in shirka iyo Kormeerka dambe uu noqon doono 10/12/2025, sidoo kale waxa ay kula dardaar meen masuuliyiinta Shirkadda Daryeel in ay Laban-laabaan shaqada dhismaha Suuqa si uu wakhtigiisa ugu dhamaado.






