Dowladaha Khaliijka ayaa ka falcelinaya weerarrada ay Iiraan geysatay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa saaka cambaareysay wax ay ku tilmaantay “gardarrada foosha xun ee Iiraan ee soo noqnoqotay.”
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in “gardarradan aan gabashada lahayn” ay wiiqayaan dadaallada lagu doonayo in xiisadda lagu yareeyo, isla markaana weerarradu dhacayaan “xilli ay socdaan dadaallo heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuweyt, ayaa sheegtay in dalkaasi uu xaq u leeyahay inuu qaado “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si uu u ilaashado ammaankiisa.
Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed Al Ansari, ayaa sheegay in Qatar ay Iiraan “si buuxda mas’uul uga dhigeyso” weerar la sheegay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday markab lagu magacaabo Al-Rekayyat, kaas oo marayay meel u dhow marin-biyoodka Hormuz Talaadadii.
Sidoo kale, qoraal gar ah oo lagu daabacay baraha bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Iiraan ay bartilmaameedsatay markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Wadyan xilli uu marayay marinkaasi.
Bbc somali





