Muqdisho(Qaran news)- La taliyihii Arrimaha bulshada ee Madaxweyne Muuse Biixi, Cabdiwaaxid C/qaadir Cabdiraxmaan, ayaa tagay Muqdisho.

Cabdiwaxid ayaa la sheegay inuu dhawaan iska casilay xilkii la Taliyaha Arrimaha bulshada, kadib markii uu muddo laba sanno ku dhow dalka ka maqnaa oo joogay dalka Turkiga.

Cabdiwaaxid Cabdiqadir wuxuu ahaa siyaasi ka soo jeeda bariga gobolka Sool, waxaanu Somaliland ka soo noqday Xildhibaan Golaha Wakiillada ah, iyo Xilal Wasiir kuxigeen oo uu ka soo noqday Dawladdii Axmed Siilaanyo isagoo ahaan jiray Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.