W/Q Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis.
laascaanood iyo Gud cabdirisaaq khaliif
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waa masuulka saddexaad ee Somaliland, waa masuul weli qayb ka noqon kara xal u raadinta colaadda ka taagan Laascaanood, waa masuul weli kalsooni ka haysta dadka deegaankiisa, oo u tegi kara la hadli kara, ma jiro masuul kale oo ka soo jeeda magalada laascaanood oo haysta kalsoonida deegaankiisa, oo ka shaqayn kara isku soo dhawaynta dadka deegaanka iyo Somaliland.
Iyada oo ay sidaas ay tahay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif loo arko masuul door weyn ka qaadan Kara xalka Laascaanood mooyee, maaha in lagu fikiro in weerar lagu qaado,
Isla markaana la xag xagto, iyada oo fashilka siyaasaddeed ee Xukuumaddu masuulka ka tahay mushkilada ka taagan laascaanood la isku hayo in Dusha laga saaro.
Haddii xukuumaddu inun rejo ka leedahay laascaanood cidda ka shaqayn karaa waa Guddoomiye Khaliif.
Albaabka kaliya ee maanta laga gali karo xal u helida dhibaatada laas-caanod ka taagani waa gudoomiye c/risaaq